Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Ugu Baaqay Shacabka Soomaaliya In Ay Iska Difaacaan Ithobiya. July 23,2006

Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Xasan Cali Cadde ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyed in ay iska difaacaan Ithobiya oo xiligaan sii xoojineysa talaabooyinka ay ku soo galeyso Soomaaliya.

Mr Cadde gudoomiyaha gobalka Banaadir waxa uu sheegay in xiligaan aan loo sii dul qaadan karin xadgudubka Ithobiya isla markaana ay haboon tahay in la iska difaaco .

Gudoomiyaha waxuu sheegay in dowlada KMG ah ee Soomalaiya looga fadhiyo in ay ka hor tagto talaabooyinkaasi ,waxa uuna sheegay in waxa u shalaya Ithobiya in ay ku soo xadgudbto gudaha Soomalaiya ay tahay dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha gudiga fulinta golaha maxaakimta Soomaaliyeed Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa isaa horay ugu baaqay shacabka in ay iska difaacaan dowlada Ithobiya .

Shariifka waxa uu intaa ku daray in maxaakimta iyo shacabkaba aysan gacmaha ka laaban doonin fra gilinta Ithobiya .

Waxaa sii kordhaya carada shacabka uu ka qabo fara gilinta Ithobiya iyadoo banaanbaxyo looga soo hor jedo Ithobiya ay dhaceen iyadoo uu ugu dambeeyay mid maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu uujinayya sida weyn ee loog soo hojeedo Ithobiya.


Gudoomiyaha Degmada Baydhaba Oo Ay Dhaawaceen Ilaalada Madaxtooyada Dowlada KMG Ah Ee Soomaaliya. July 23,2006

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba ee xarunta goblka Bay ayaa ku waramaya in habeenimadii xalay gudaha magaalada ay isku rasaaseeyeen ciidamada madaxtooyada dowlada KMG ah ee Soomalaiya iyo ilaalada gudoomiyaha demada Baydhaba Axmed Isaaq Maadeey.

Israsaaseyntaani ayaa waxa ku dhaawacamay gudoomiyaha degmada Baydhaba Axmed Isaaq Maadeey. Iyo laba kale oo kala ahaa darawalkiisa iyo mid ka mid ah ilaalada gudoomiyaha.

Waxa lagu waramay in dhawaaca soo gaaray gudoomiyaha uusan si aad u cusleyn marka loo eego dhaawacyada soo gaaray darawalkiisa iyo ilaalihiisa.

Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma sheegin sababta dhalisay israsaaseyntaani ,iyadoo gudoomiye ku xegeenka degmada C/qaadir Baraako uu shegay in israsaaseyntu ay aheyd mid ku dhacday kala shaki balse aysan ahyen mid ula kac ah .

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka madaxtooyada dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo ku aadan shilkaani .

Falkaani ayaa si weyn waxa ka xumaaday bulshada ku dhaqan magaalada Baydhaba oo qaarkood tilmaamay in uu yahay mid si ula kac ah loo fuliyay.

Ma ahan markii ugu hoireysay oo ilalaada madaxtooyada dowlada ay rasaas ku furaan dad ku dhaqan gudaha magaalada Baydhaba.


Golaha Maxaakimta Oo Dajinya Qorshe Hubka Lagu Uruurinayo. July 23,2006

Golaha maxakimta Soomaaliyeed ayaa daboolka ka qaaday in ay wadaan qorshe ay ku dajinayaan uruurinta hubka iyo maleeshiyooyinka.

Shiikh Xasan Maxamuud (Xasan Dheere) oo ka mid ah golaha maxaakimta ayaa tibaaxay in qorshahasi uu hir galayo dhawaan ,isla markaana qoryaha lagu haysto gudaha magaalada Muqdisho uu noqon doono mid xadidan.

Hadalka ayaa soo baxay xilii maalintii shalay golaha maxaakimta Soomaaliyeed ay deegaanka Bermuuda kula wareegeen hubka maleeshiyadii hakaa joogtay .

Dhinaca kale maxkamad cusub ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda looga dhawaaqo deganka Juunagal degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Maxakamadaani oo ay sameysanayaan beesha Baada Caddo ayaa lagu waramay in ay ka mid nqon doonto golaha maxakimta Soomaaliyeed.

Shiikh Cumar Rashiid oo ka mid ah culamaa`udiinka Beesha Baada Cadde ayaa sheegay in maxkamadani ay noqon doonto mid ka shaqeya amaanka deegaanka Juungal .


Gudiga Nadaafada Gobalka Banaadir Oo Logu Deeqay Ilaa 40 Fuusto Oo Shidaal July 23,2006 

Maalitii afaraad ayaa howlo nadaafafadeed waxa uu ka soconayaa fagaaraha Terbuunka ee magalada Muqdisho ,iyadoo iminkana guud ahaan qashainkii halkaa tubnaa laga qaaday.

Ololahaan nadaafadeed ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya qeybyha kala duwan ee bulshada .iyadoo maalintii shalay la arkayay kooxo arday ah oo ka qeyb qadanayay howsha nadaafada.

Dhinaca kale gudiga nadaafada gobalka Banaadir ayaa maanta lagu wareejiyay ilaa 40 fuusto shidaal si ay ugu sii fuliyan howhsa nadafada .

Deeqdaan shidaal ayaa gudiga waxaa soo gaarsiiyay shirkadaha isgaarsiinta Hormuud,Telecom .N.link iyo shaqsiyaad kale.

Gudiga nadaafada goblka Banaadir waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howsha ayna gaarsiin doonaan guud ahaan goobihii qashinku tubnaa .

Howshaan ayaa sidoo kale lagu wada in laga fuliyo wadada wadnaha oo iyana qashinka tuban yihiin .

Gudigaan ayaa dhawaan waxaa magacaabay golaha maxaakimta si ay u soo celiyaan bilicdii magaalada Muqdisho.

   


Qaar Ka Mid Ah Xubnihii Isbaheysigii Bur Buray Oo Isku Uruursanaya Deegaanka Mustaxiil. July 23,2006 .

Warar goor dhaw naga soo gaaray magaalada Baladweyn ee goblka Hiraan ayaa ku waramay in xubno ka tirsan isbaheysigii horay looga itaalka roonaday magaalada Muqdisho ay iminka isku uruursanayaan meel 3km u jira degaanka Mustaxiil ee xadka Ithobiy iyo gobalka Hiiraan.

Wariyaheena magaalada Baladweyn ayaa soo shgay in gawaarida dagaalka iyo maleeshiyooyin aad u tira badan ay iminka ku sugan yihiin degaankaasi .

Warku waxa uu intaa ku darayaa in xubnahaasi iminka is aruursanaya aya waxa yihiin Maxamed Dheere, C/qaadir Beebe, Bootan Ciise Caalin, iyo C/nuur siyaad iyaga oo qorsheenaya in ay mar kale ay duulaan soo qaaday gaar ahaan magaalada Jowhar ee gobalka shabeelada dhexe.

Warar kale ayaa sheegaya in Maxaed Qanyare Afrax oo maalintii shalay gawaari tiknika ah la maray degmada Buul Burde uu isna ku biirayo kooxdaan mar kale is aruursaneysa