|
Ismaaciil Hurre (Buubaa) oo habeenkii Arbacadu soo galeysey ka
hadley Golaha loo dhayahey ee QM, ayaa madaxdii kulankaas joogtey
uga sheekeeyey xaaladda guud ee Soomaaliya ay haatan ku sugantahey.
Markii uu khudbaddaas dhameystey ka dib, ayaa
laanta af Soomaaliga ee BBC-du ay Boobaa weydiisey, waxa ay ahaayeen
nuxurka hadalkiisu.
Waxa u Boobaa yiri, arimaha aan ka hadley afar
qodob ayaa ugu muhimsanaa, kuwaas oo kala ah:
1-Sidiii dowladda KMG ah looga
qaadi lahaa cunaqabteynta hubka ee Soomaaliya saaran.
2-In la ogolaado ciidamada nabad ilaalinta ee
dowladda KMG ah u dalbaneyso in Soomaaliya la geeyo.
3-Sidii loo taageeri lahaa dhismaha iyo adkeynta
ciidamada dowlada Soomaaliya oo wixii qalab ah ee ay u baahanyihiinna
loo siin lahaa, iyo
4- Sidii hubka looga dhigi lahaa maleeshiyooyinka
faraha badan ee Soomaaliya ka jira iyo sidii maleeshiyadaas inta la
abaabulo tababar cusub loo siin lahaa.
Ciidamada Shisheeye
Waxa uu Buubaa yiri "waxaan shaki iiga jireen in
arinta ku saabsan ciidamada imaanshahoodu ay hirgaleyso".
Waxa uu Ismaaciil Buubaa uu intaas raaciyey in laga
wada hadli doono sidii loo hubsan lahaa in arimahaasi u noqon arimo
dhibaato la yimaadda. |