| | Prof. Geeddi oo eedeeyay “Liibiya, Masar iyo Iiraan
Baydhabo July 30 ,2006
Ra’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa ku eedeyey dalalka Liibiya, Masar iyo Iiraan inay qulqulatooyin ka abuurayaan Soomaaliya, wuxuuna beesha caalamka iyo IGAD ka codsaday inay il gaar ah ku eegaan dalalkaasi.
Geeddi oo ka hadlayey dilkii wasiirkii dastuurka iyo arrimaha federaalka Cabdalla Deerrow Isaaq oo maanta lagu aasay qabuuraha Abuu Cashirow ayaa waxa uu sheegay in xukuumada federaalka ay gacanta ku soo dhigtay gacan ku dhiglayaal Burcad ah oo lagu eedeynayo inay ka danbeeyeen dilkaasi kuwaasoo u sheegay inay ku xeran yihiin kooxo argagaxisasada u adeega oo ku sugan Soomaaliya.
“Burcada baaritaan baa ku socota, waxaana lagu qaadayaa wixii ka soo baxa baaritaankaasi” ayuu yiri Geeddi oo intaa ku daray in beryahan danbe ay socdeen kooxo argagaxiso ah oo doonayey inay khal-khal geliyaan nabadgelyada gobolada Bay iyo Bakool, wuxuuna tilmaamay in dowladdu aysan sidaa ku niyad jebi doonin kana hortagayaan kuwaas.
“Waxaan beesha caalamka ugu baaqeynaa in si degdeg uga hortagaan argagixisada ku sii fideysa geeska Afrika, waaana arrin u baahan in la iska kaashado, waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa dowladaha loo arko in ay caqabad ku yihiin xal u helida arrimaha Soomaaliya” ayuu yiri Prof. Geeddi.
|