| |
Madaxweynaha Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul wasaaraha oo ka qayb galay aaska Marxuum Deerow
Madaxweynaha Soomaaliya Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan, Ra'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi, Madaxda maamulka Gobolka Bay iyo dadweyne aad u tiro badan ayaa waxay ka qayb galeen aaska wasiirkii hore ee Dastuurka Marxuum Cabdalle Deerow Isaaq oo lagu aasay duleedka Magaalada Baydhabo Qabuuraha Obey Sharoow.
Aaska Marxuum Deeroow Naxashkii lagu siday ayaa gacanta lagu qaaday iyadoo tiro ka badan 300 oo gaarina ay hareer socdeen dadweyne aad u tiro badan ayaa waxa ay kusocdeen lugtooda iyadoo dadweynahuna ay aad ugu xumaayeen dilka loo geestay Marxuum Deerow.
Amaanka magaaladda ilaa Qabuuraha oo ku yaala duleedka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey waxaana meel walba taagnaa booliiska Magaalada iyo ilaalada madaxda sare oo aad dareemaysay inay aad u foojiknaayeen iyadoo qabriga uu ahaa meel aad loo soo buux dhaafiyey.
Mudane Cabdalle Deerow Isaaq ayaa shalay lagu dilay isagoo kasoo baxay salaadii Jimcaha masjid u dhawaa Xaafada uu ka degan yahay Magaalada Baydhabo, Ciidanka Booliiska ayaa rag badan u soo qab qabtay iyadoo aan wali la cadayn cidii ka danbaysaya falkaasi dilka ah.
Madaxda sare ee dowlada federaal-ka ayaanan goobtaasi ka hadlin iyadoo wajiyadooda ka muuqatay tiiraanyoo iyo murugo, dilka Marxuum Deeroow ayaa waxa ay kusoo aaday maalin ka dib markii la dhaawacay Avv. Axmed Ibaraahim oo ah Gudoomiyaha Dastuurka iyo arrimaha Federaalka iyo gudoomiyihii degmada oo isna la dhaawacay
|