|
Waxa masuuliinta Maxkamaduhu magacaabeen qofkii Guddoomiye u
noqon lahaa Gobolk jubada Hoose, Duqa magaalda Kismaayo, Maareeyaha
Dekedda Kismaayo iyo kan gegeda dayuuradaha.
Waxa kale oo Masuuliinta Maxkamaduhu magacaabeen
Taliyaha Ciidamda Booliska ee Gobolka Jubada Hoose.
Khamiistiina waxa Muqdisho lagu qabtey munaasab
lagaga dhawaaqey qeybaha uu yeelan Garsoor cusub oo loo sameeyey Gobola
Banadir, kuwaas oo hoos imaanaya afar Maxkamadood oo kala ah:
Maxaakiimta Muqdisho
1-Maxkamadda isku celinta hantida
Muuqata ee la kala heysto.
2-Maxakamdda Rafcaanka ee Gobolka.
3-Maxkamaddii Gobolka banaadir iyo
4-Maxkamaddii degmooyinka ee gobolka oo ka kooban 21 saldhig ooy ka
hawlgali doonaan 64 garsoore.
Nidaamka garsoor ee haatan Gobolka Banaadir loo
dhisey waxa uu soo af-jarayaa habkii hore ee Maxkamadaha ee Shareecada
iyo qabaa'ilka ee is -huwanaa ee garsoor ee lagu soo dhaqmayey ilaa
intii Midowga Maxkamaduhu la wareegeen maamulka gobolka banaadir, bishii
June ee sanadkan. |